Heemaal News Network

Xiisadda badda ee Itoobiya iyo Soomaaliya iyo hadalladii Abiy Axmed

Xaalad siyaasadeed oo kacsan ayaa weli ka taagan Geeska Afrika toddoba bilood kadib markii heshiis is af-garad ah ay wada galeen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland oo ogolaatay inay qayb ka mid ah xeebaheeda ka kirayso dalka ay deriska yihiin.

Soomaaliya kuma faraxsana heshiiska badda, kaasoo faahfaahintiisa weli mugdi uu ku jiro.

Ugu horrayn, waxa ay aaminsan tahay in heshiiskaasi yahay mid sharci darro ah iyo “fal gardarro ah” iyada oo u aragta in Somaliland oo sheegtay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya 1991-dii ay weli tahay qayb kamid ah.

Waxa kale oo ay Soomaaliya ka carootay wararka sheegaya in beddelka dekeddu ay Itoobiya noqon doonto dalkii ugu horreeyey ee Somaliland u aqoonsada dal madax-bannaan.

Midowga Afrika iyo Mareykanka labaduba waxay taageereen midnimada dhuleed ee Soomaaliya waxayna ku booriyeen dhammaan dhinacyada inay qaboojiyaan xiisadda.

Turkiga ayaa hadda faragelin diblomaasiyadeed u fidiyay isagoo isu keenay wufuud ka kala socotay Itoobiya iyo Soomaaliya oo wada-hadallo ku yeelanaya caasimaddiisa Ankara.

Wada xaajoodyadu ma guulaysteen?

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa 1-dii Luulyo ku soo xaadiray caasimadda Turkiga laakiin ma aysan yeelan wadahadal fool ka fool ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa ku tilmaantay wada-hadalladan kuwo “hufan, niyad-sami iyo aragti fog leh.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in dib la isugu soo laabto bisha 2-da Sebtembar.
Hadalkii kululaa ee ugu dambeeyay ee Abiy Axmed

Raysal wasaaraha Itoobiya Abi Axmed ayaa mar Kale ku celiyay in dalkiisu uu helo bad ay tahay arrin muhiim ah, isagoo xusay in heshiiskii is afgaradka- ahaa ee ay horranatii sanadkaan la galeen Jmahuuriyadda iskeed madax bannanaida ugu dhawaaqada ee Somaliland aanu micnihiisu aheyn in ay su’aal ka galinayaan midinimada Soomaaliya.

Abiy ayaa intaa raaciyay in haddii dowladda Soomliya ay tabsho qabta ay ahayd in iyaga ay kala hadasho halkii ay dalala kale ku dacweyn laheed.

Wuxuu sheegay in arrintaa looga maarmi lahaa in qarasha badan uu dowladda ka baxo.

“Dawladda Soomaaliya haddii ay tabasho naga qabto waxa ku filnayd hal duullimaad iyo kulan qudha oo hal saac ah. Waa wax aad u fudud. Maxaa yeelay xumaan uma haynno Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya, in ay annaga na la hadasho waxa ay ka dooratay in meelo badan ay wareegto oo ay na dacwayso. Waxa aan kula talinayaa lacagta ha daadaadinina. Dal kasta oo aan tagno lacag ayaa innaga khasaaraysa. In lacag la khasaariyo waxa ka wanaagsan in aan samaynno hal kilo meter oo dadku ku lugeeyo ama hal dugsi oo aan Muqdisho ka dhismo oo dadku ka faa’iidaystaan” ayuu yiri Abiy Axmed.

Waa maxay sababta Turkigu ugu lug leeyahay?

Ankara ayaa xiriir dhow la leh Muqdisho, Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah kaas oo Turkigu ka caawinayo ilaalinta xeebaha Soomaaliya iyo dib u dhiska ciidamada badda ee Geeska Afrika.

Sida uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Itoobiya ayaa codsatay in Turkiga uu fududeeyo wada hadallada.

Waxaa la soo jeedinayaa in Addis Ababa ay aad u daneyneyso in xiisadda la qaboojiyo, iyadoo Soomaaliya ay olole diblomaasiyadeed oo ballaaran ku dooneysay inay taageero uga hesho dalalka reer galbeedka iyo sidoo kale dalalka Khaliijka.

Si kastaba ha ahaatee, “ma jiraan wax calaamado ah” oo weli muujinaya in Itoobiya ay doonayso inay ka baxdo heshiiska, ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Itoobiya iyo Somaliland maxay ku heshiiyeen?

Si rasmi ah looma shaacin sida uu u dhacay heshiiska ay wada saxiixdeen madaxda Itoobiya iyo Somaliland, taasoo ah dhibaato jirta maadaama ay ku kala duwan yihiin waxyaabihii ay labada dhinac ku heshiiyeen.

Is-afgaradku waa war-murtiyeed aan loo meel dayin heshiis sharci ah, balse waxa muuqata in Somaliland ay diyaar u tahay inay Itoobiya u ogolaato inay badda ku soo xirato gaadiidka ganacsiga ee dekedda, inkasta oo aanay caddayn dekeddaas.

Taa beddelkeeda, Somaliland waxay saami ku yeelan lahayd diyaaradda Itoobiya Airline, oo ah shirkadda duullimaadyada qaranka ee guulaysatay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalintii saxeexa heshiiskan ku sheegay qayb ka mid ah in Itoobiya ay mar uun u aqoonsan doonto Somaliland dal madax-bannaan.

Waa maxay sababta ay arrintani muran badan u dhalisay?

Soomaaliya, Somaliland waxay u tahay qayb ka mid ah dhulkeeda. Soo jeedin kasta oo ah in ay heshiis la gasho waddan kale ama in yar oo ka mid ah la kirayn karo iyada oo aan oggolaansho laga helin Muqdisho waa saameyn weyn.

Maalin kadib markii la saxiixay is-afgaradka, Soomaaliya waxay heshiiska ku tilmaantay fal “gardarro” ah oo “caqabad ku ah nabadda iyo xasilloonida”. Waxa kale oo ay u yeeratay safiirkeedii Addis Ababa.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ayaa markii dambe ka dhoofay magaalada Muqdisho.

Isla markii uu heshiiskaasi dhammaaday, madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale hadalkiisa sii kordhiyey isagoo yiri: “Waan difaaci doonnaa dalkeenna, waanu difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, waxaana taageero weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa.

Waxa uu sidoo kale dhalinyarada ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dalka, waxa uuna Itoobiya ku tilmaamay cadowga dalkiisa.

Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xafiiltan soo jireen ah.

Sanadihii 1977 iyo 1978, Itoobiya iyo Soomaaliya waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo ay ku doonayeen in ay ku maamulaan dhulka hadda loo yaqaan gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo heshiiskaasi, iyadoo tobanaan kun ay isugu soo baxeen.

Maxay Itoobiya u doonaysaa heshiiska?

Sannadkii hore, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku tilmaamay helitaanka badda arrin jirta.

Itoobiya waxay lumisay dekedihii ay lahayd markii ay Eritrea goosatay horraantii sagaashamaadkii. In ka badan 100 milyan oo qof, waa dalka ugu dadka badan adduunka oo aan bad lahayn.

Hadalka Abiy ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in Itoobiya ay isku daydo inay xoog ku gaarto hadafkeeda.

Waxa ay heshiiska Somaliland la gashay ku tilmaantay mid taariikhi ah, waxaanay ku nuuxnuuxsatay in ujeeddadiisu tahay mid nabadeed balse ay muhiim tahay in Itoobiya ay gaarto yoolkeeda.

Maxay dadka kale ka yiraahdeen?

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ahaa mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee ku baaqay in la is ixtiraamo “si loo dejiyo xiisadda kacsan”.

Waxaa dareenkiisa la wadaagay dowladda Mareykanka, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

Masar oo khilaaf xooggan uu kala dhexeeyo Itoobiya oo ku saabsan biyo-xireenka weyn ee laga dhisayo webiga Niil ee waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sidoo kale ballan-qaadday in Soomaaliya ay garab istaagi doonto.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud ayaa u duulay dalka Eritrea bilihii Janaayo iyo bishii March, taasoo qeyb ka ah dadaallada uu ku doonayo inuu ku dardargeliyo taageerada gobolka.

Eritrea ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay ka walaacsan tahay damaca Itoobiya ee ah inay galaangal u yeelato xeebaha.

Dalka kale ee ay jaarka yihiin ee Kenya oo xiriir dhow la leh labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya, ayaa iyaduna arrintan si hoose uga hadashay, iyadoo aanay weli si rasmi ah uga hadlin, halka Uganda aanay iyaduna mowqif cad ka qaadan.

Sacuudiga iyo Shiinaha oo ah laba dal oo door muhiim ah ku leh gobolka ayaa sheegay inay taageerayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya taasoo lagu ammaanay guul diblomaasiyadeed oo Muqdisho ay heshay.

Source BBC