Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, ayaa xildhibaan Caananuug ku tilmaamay in uu jiis yahay, waxaana hadalkaasi gafka ah uu guddoomiyaha ka jeediyay kursiga guddoonka iyada ay horfadhiyaan xildhibaannada ayaa dad badan ka careysiiyay.
Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed, ayaana ka xaalmariyay xildhibaan Caananuug xadgudubka uu kula kacay Sheekh Aadan Madoobe, waxa ayna huwiyeen go’ ay xaalmarin ahaan ugu keeneen, iyaga oo dhinaca dhaqanka ka eegaya.
Hadalka gafka ah uu guddoomiyaha golaha Shacabka u geestay xildhibaan Caananuug , ayaa hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada, waxaana xildhibaanka jiisnimada lagu caayay xubno jirkiisa kamid ah ku waayay qarax ay u dhigeen kooxda Al Shabaab.