Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.
Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay ciddii tabasho qabta in ay dhageysto, balse aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah. Isaga oo tallaabo bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meelmariyey, waxuuna ugu baaqay Xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.