Xildhibaan Tim Loughton oo Xisbiga Conservative ugu jira baarlamaanka Ingiriiska ayaa laga soo tarxiilay Dalka Djabouti sida uu ku sheegay waraysi uu BBCda Siiyay.
“Markii aan gaadhay Djabouti Waxa la iga qaaday Baasaaboorka Waxaana la I waydiiyay Waxa aan qabto, Waxaanan u sheegay in aan ahay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska”
Waxa uu ku eedeeyay in arrintan ay ka dambayso dawladda Shiinaha Oo Isku balaadhinaysa Afrika.
Maadaama Shan Xildhibaan oo uu jiro ay dawladda Shiinuhu hore xannibaad ugu soo rogtay.
Dhinaca kale Waxa uu ka mid yahay Xildhibaanada u ololeeya Qadiyada Somaliland.