Heemaal News Network

Xildhibaano Mooshin u Gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa warqad mooshin ah oo ay u qoreen guddoomiyaha Golaha Shacabka kaga codsaday in ajendaha kulanka soo socda ee baarlamaanka lagu daro dood ku saabsan cabashada sii kordheysa iyo mudaaharaadyada ka dhashay cashuuraha cusub ee ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

Xildhibaannada warqada qoray ayaa waxay muujinayaan baahida loo qabo in wax laga qabto cabashooyinka ka imaanaya ganacsatada kala duwan, oo ay ku jiraan Bajaajleyda iyo ganacsatada Dekadda magaalada Muqdisho wax kala soo dega.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa walaac gaar ah ka muujiyey saameynta ay ku yeelan karto xasilloonida dalka cashuuraha akoonnada tooska looga jarayo, oo ay Wasaaradda Maaliyaddu qorsheysay in fulinteedu hirgasho maalinta berri ah oo ku beegan 18-ka Agoosto.