Heemaal News Network

Xiliga ay Duulimaad toos ah ka Bilaabayso Muqdisho Diyaaradda Cumaan Oo la Shaaciyay

Diyaaradda ay leedahay dawladda Cumaan ee SalamAir ayaa 16 bisha Jannaayo ee sannadka 2025, waxay billaabaysa duulimaad toos ah oo isku xiraya caasimadda Muqdisho iyo caasimadda dalka Cumaan ee Muscat, taa oo ka dhigan duulimaadkii u horreyay ee toos ah oo isku xiraya Soomaaliya iyo dalka Saldana Cumaan, sida ay ku dhawaaqday hay’adda duulista rayidka ee Cumaan.

Duulimaadkan oo ah toddobaadle isku xiraya labada dal ayaa fursad u noqonaya ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Cumaan, halka duulimaadka oo diyaaradda loo adeegsanayo ay tahay mid qiimo jaban ku bixisa tikidhada ay sare u qaadayso xiriirka dhaqan , dhaqaale ee labada.