Labo maalin ka hor, wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Turkiga, Burhanettin Duraan ayaa booqasho ku tagay dalka Imaaraadka Carabta , isagoo Abu Dhabi kula kulmay wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta, Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan.
Warsaxaafadeed laga baahiyay kulanka ayaa lagu sheegay in looga hadlay wadatashiyo la xiriira danaha Imaaraadka Carabtab iyo Turkiga ee arrimaha Afrika.
Waa wajiga labaad oo Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ay yeelanayaan wadatashiyo la xiriira arrimaha Afrika, xilli labada dal ay si weyn ugu loolamaan Afrika , gaar ahaan gobolka geeska Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Suudaan — kaddib Suudaan oo ay si adag ugu loolameen, waxay hadda labada dal mar kale isku arkayaan Soomaaliya oo ay ka leeyihiin dano iska soo horjeedo, halka Imaaraadka uu ku leeyahay Soomaaliya joogitaan ka badan dal kasta oo Afrika iyo bariga dhexe , kaddib markii Abu Dubai lagu burburiyay; Liibiya, Yemen iyo Suudaan.