Heemaal News Network

Xisbiga AfD Ee Jarmalka Oo Ballan qaaday inuu Midowga Yurub ka saari Doono haddii Uu ku Guuleysto Doorashada

Xisbiga AfD ee Jarmalka ayaa ballan qaaday in uu Jarmalka ka saari doono Midowga Yurub haddii uu ku guuleysto doorashada soo socota ee February.

Xisbiga garabka midig ee AfD,wuxuu ka soo horjeedaa soogalootiga iyo Midowga Yurub.Hadda waxa ay ila tahay in ay adag tahay xisbiga AfD in uu ku guulaysto aqlabiyadda Baarlamaanka, sababtoo ah isaga ayaa siyaasad ahaan go’doonsan.

Xisbiga talada hayana waxa uu leeyahay shacbiyad weyn. Laakiin waxaan qabaa inuu raadin doono inuu ku guuleysto kuraas ku filan baarlamaanka Yurub, haddii uu sidaas sameeyo, waxaa laga yaabaa inuu u gogol xaaro sidii ay go’doonka uga bixi lahaayeen.