Heemaal News Network

Xisbiga Kulmiye Oo Waddani ku Eedeyay Weerar Lagu Beegsaday Wasiir Ina Kaahin.(Sawiro)

Kooxo abaabulan oo ka tirsan xisbiga WADDANI, ayaa weerar ku qaaday Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo wefti uu hoggaaminayo oo hawlo shaqo u jooga magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer Maanta.

Weftiga Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ayaa xilli uu xafiisyo xisbigu leeyahay ka furayey xaafada Maxamed Cali ee Galbeed Magaalada Burco, waxa weerar ku soo qaaday kooxo abaabulan oo taageersan xisbiga WADDANI, kuwaas oo khasaare gaadhsiiyey qaar ka mid ah ciidanka Ilaalada Guddoomiyaha, xubno ka mid ah weftiga iyo gaadiidkii ay wateen oo muraayadaha laga jajabiyey.

La soco goordhaw faahfaahinta sidii dhacdadani u dhacday oo uu ka war-bixiyey Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ee Gobolka Togdheer Md. Mukhtaar Axmed Cali.