Xisbiga talada haya ee dalka Turkiga, AK Party ayaa Isniintii shalay heshiis iskaashi siyaasadeed la saxiixday xisbiga talada haya ee RPP ee dalka Jabuuti, iyadoo heshiiskan ay si wadajir ah u saxiixeen , Wasiirka maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaale iyo Zafer Sirakaya oo ka tirsan xisbiga AK Party.
Xisbiga RPP, oo u hoggaamiyo madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle , waxaa la aasaasay 4,bishii Maarso ee sannadkii 1979, iyagoo xilka madaxweynaha haya tan iyo sannadkii 1999, markaa oo Geelle uu noqday madaxweynaha labaad ee Jabuuti oo tan iyo waqtigaa hoggaaminaya xisbiga RPP iyo dalka Jabuuti. Xisbiga talada haya ee Turkiga , AK Party oo la aasaasay 14 bishii Agoosto ee sannadkii 2001 , wuxuu hoggaaminaya siyaasadda Turkiga 23 sanno ee u dambeysay.
Toddobaadyo ka hor, wuxuu sidan oo kale xisbiga AK Party , heshiisyo siyaasadeed la galay xisbiga u hoggaamiyo madaxweynaha xilka haya ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ee UPD oo la aasaasay sannadkii 2018 , balse dalku maleh nidaam xisbiyo siyaasadeed oo qaran , halka xisbiga kale ee AK Party uu la galay heshiiska siyaasadeed uu yahay xisbiga hoggaamiyaha dal Itoobiya ee Prosperity Party oo la aasaasay 2019-kii. AK Party, waxay ku sheegeen heshiisyadan mid lagu xoojinayo iskaashiga gobolka , balse waa wax cusub gobolka oo xoojinaysa damaca muddada dheer ee xisbiyadan ay ku doonayaan inay xukunka ku sii hayaan.