Heemaal News Network

Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE Oo Maanta ku Shiray Hargaysa.(Sawiro)

Hargeysa (Warbaahinta X. KULMIIYE)- Madaxda xisbiyada Qaranka KULMIYE iyo UCID, ayaa maanta yeeshay kulan qado ah oo ka qabsoomay Hotel Baraar ee Magalada Hargeysa.

Kulankan waxay masuuliyiinta labada Xisbi kaga wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arrimaha Qaranidamada, Doorashooyinka soo socda, Nabadgelyada iyo Difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad, iyadio labada Xisbi isla qaateen in la sii wado shirarkan oo loo ballamay kuwo kale in la isugu yimaado.

Shirka waxa xisbiga KULMIYE uga qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Wasiirka Daakhiliga Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xiigeenka 1aad Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiye Ku-xigeenka 2aad Md. Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiye Ku-xigeenka 4aad, Musharaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Maayorkii hore Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) iyo Axmed Nuur Faahiye oo ka mid ah Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE.

Dhinaca Xisbiga UCID madaxda kulanka uga qaybgashay waxa hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Xuseen oo ay wehelinayeen Xubno sarsare oo ka mid ah Xisbiga UCID.