Heemaal News Network

Xisbullaah oo ku dhawaaqday hoggaamiye cusub oo beddelaya Nasrullah

Ururka Xisbullaah ee ka dagaallama dalka Lubnaan , ayaa goordhaw si rasmi ah ugu dhawaaqay hoggaamiyahooda cusub, kaddib dilkii diyaaradaha dagaalka milariga Israa’iil u geesteen hoggaamiyihii kooxdaasi Sheekh Xasan Nasrullaah.

Naciim Qaasim oo ahaa xoghaye kuxigeenkii ururka Xisbullaah ayaa loo doortay in uu noqdo hoggaamiyaha cusub ee ururka Xisbullaah, waxa uuna ninkan sannado badan katirsanaa ururka shiicada ee Xisbullaah ,isagoona kasoo qabtay xilal kala duwan.

Hoggaamiyaha cusub ee ururka Xisbullaha oo ah 71 sanno jir ayaa ah nin kasoo jeeda koonfurta dalka Lubnaan, waxa uuna ururka Xisbullaah kusoo biiray xilli aad u fog, waxa uuna hadda kamid yahay hoggaamiyaasha ururkaasi ee ka badbaaday duqeymaha Israa’iil.

Diyaaradaha dagaalka Israa’iil ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ku dilay hoggaamiyihii ururka Xisbullaah Sheekh Xasan Nasrullaah iyo xubno kale oo katirsanaa ururkaasi, waxa ay sidoo kale Israa’iil dileen hoggaamiye kale oo ka hadal hayay in uu beddeli lahaa Nasrullaah.