Heemaal News Network

Xisbullah Oo Dharbaaxo Siyaasadeed la kulantay ka dib Markii..

Nawaf Salam, ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee Lubnaan, kaddib markii la sheegay in ka badan 68 Xildhibaan inay taageerreen kuwasoo ka tirsan 128 Xildhibaan ee uu ka koobanyahay baarlamaanka Lubnaan, iyadoo magacaabista Nawaf , ay la macno tahay inay guul-darro xanuun badan kala kulmayso Xisbullah siyaasadda , kaddib markii looga adkaaday dadaalladii ay ku raadinayeen in dib loo magacaabo ra’iisul wasaaraha kumeel-gaarka ah ee Najib Mikati.

Madaxweynaha Lubnaan ayaa ku khasban inuu u magacaabo jagada ra’iisul wasaaraha ee hoggaamisa dawladda qofka heysta cododka ugu badan ee Baarlamaanka, waxayna ku dhawaaqistu dhacda marka la soo gabagabeeyo la-tashiga Baarlamaanka.

Nawaf Salam, oo ah guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) , sidoo kale ah diblomaasi laga soo billaabo 2007 illaa 2017 ahaa danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiyay Lubnaan ayaa la filayaa inuu caawa ka baxo magaalada Hague, si uu u gaaro berri caasimadda Lubnaan ee Bayruut.

Magacaabistiisa waxay ka dhigantahay in la burburiyay awooddii siyaasadeed ee ururka Xisbullah oo tobankii sanno ee u dambeysay ahaa ururka maamullayay siyaasadda Lubnaan.

Wuxuu ka helay taageerro ballaaran masiixiyinta oo leh kala bar kuraasta baarlamaanka ee kooban 128 oo loo kala qeybsado masiixi iyo Muslimiinta.