Ururka Xisbullah ayaa sheegay inay dileen ilaa sagaashan askari oo ka tirsan ciidamada Israa’iil intii uu bilowday howlgalka dhulka, IDF-na waxay xaqiijisay ‘burburka kaabayaasha Xisbullah.’
Hezbollah ayaa daabacday tirakoob ay sheegtay in ay fulisay hawlgallo ka dhan ah ciidanka Israa’iil tan iyo markii hawlgallada dhulka ee Israa’iil bilaabmeen, taas oo ay ku sheegen “dhimishada in ka badan 90 askari iyo dhaawac ka soo gaadhay qiyaastii 750 kale” oo ka tirsan saraakiisha iyo askarta ciidanka Israa’iil intii lagu jiray iska hor imaadkii waqtigii la soo dhaafay.
Talaadadii, Xisbullah ayaa ku dhawaaqday in ay fulisay saddex hawlgallo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu beegsaday “kulannada askarta cadowga Israa’iil iyo gaadiidka” ee deegaannada Al-Manara, Kafr Giladi, iyo Zar’it. Warbaahinta Lubnaan ayaa sheegtay in “isku dhacyo xooggan ay ka dhaceen intii u dhaxaysay iska caabbinta iyo ciidanka Israa’iil” agagaarka Wadi al-Asafir, oo ku dhow magaalada Khiam ee koonfurta Lubnaan.
Iyadoo xiisadda gobolka tagan tahay ayaa wasaaradda difaaca Maraykanka (Pentagon) ay sheegtay in Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin uu kala hadlay dhigiisa Israa’iil Yoav Galant fursadaha yareynta xiisadda gobolka.