Heemaal News Network

Xog cusub oo laga helay Ninkii fuliyey toogashadii Trump

Ninkii ka dambeeyey toogashadii uu ka badbaaday Trump magaciisana lagu sheegay Crooks oo isla goobta lagu toogtay ayaa caawiyo ka ahaa goob cunada lagu kariyo meel u dhow magaalada uu ka soo jeedo ee Pennsylvania, halkaas oo uu dugsiga sare kaga baxay sannadkii 2022-kii.

Asxaabtiisa iyo macalimiintiisa ayaa ku tilmaamay mid ixtiraam badan oo aamusan – iyadoo la taliyaha iskuulka uu u sheegay Reuters inuusan waligiis ogaan Crooks inuu yahay mid siyaasadda daneeya.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warantay inuu ahaa Jamhuuri diiwaan gashan, iyaga oo soo xiganaya diiwaanka codbixiyayaasha gobolka, laakiin sidoo kale waxaa la sheegay inuu $15 ugu deeqay kooxda ololaha xorta ah ee ActBlue sanadka 2021.

FBI-da ayaa sheegtay Axadii in aysan wax erayo ama qoraalo hanjabaad ah ka helin baraha bulshada ee Crooks, sidoo kalena aysan helin wax taariikh ah oo la xiriira arrimaha caafimaadka dhimirka. Waxay sheegeen in ay rumaysan yihiin in qoriga loo adeegsaday – uu yahay nooca AR-ga ah ee 556-ka ah uu si sharci ah u iibsaday aabihiisaday.

Donald Trump ayaa sheegay in la doonayay in la dilo, isaga oo isku dayga dilka ku tilmaamay mid “khibrad dhab ah uu ka dhaxlay”.

Dhakhtarka isbitaalka ayaa sheegay inuusan waligii arkin wax sidan oo kale ah, wuxuu ku tilmaamay mucjiso,” ayuu yiri Trump oo xirnaa faashad cad oo dhegta midig kaga duubneyd, halkaasi oo uu dhaawac ka soo gaaray. “lama rabin inaan halkaan joogo, waxaa la rabay inaan dhinto,” ayuu yiri Trump, isagoo la hadlayay New York Post isagoo ku sii jeeday Milwaukee oo kaga qayb galaya Shirweynaha Qaranka ee Jamhuuriga.