Heemaal News Network

Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Bilinken Oo Booqanaya Shiinaha

Xoghaya Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu u safro dalka dalka Shiinaha, xilli ay xukumadaha Washington iyo Beijing isku dayayaan in ay sii wadaan xiriirkooda aanan adkeyn, inkasta oo uu jiro kala duwanaasho mug weyn oo dhinacyo badan leh.

Labadan waddan ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo ayaa isku hayo dhinacyo badan, oo ay ku jiraan dagaalka Ruushka ee Ukraine, Taiwan iyo Badda Koofurta Shiinaha, Kuuriyada Waqooyi, Hong Kong, xuquuqda aadanaha iyo xariga muwaadiniinta Mareykanka.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa sidoo kale ku dagaallamaya arrimaha ganacsiga, iyadoo madaxweyne Joe Biden uu asbuuci lasoo dhaafay ku dhawaaqay canshuur cusub oo la saaray biraha uu Shiinaha u soo dhoofiyo Mareykanka.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay, in booqashadan oo ah tii labaad oo uu Blinken ku tago Shiinaha muddo ka yar sannad, uu Arbacada ka billaabi doono magaalada Shanghai, kaddibna uga sii gudbi doono Beijing. Wuxuu la kulmi doonaa wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi. Sidoo kale waxaa la filayaa in uu la kulmo madaxweyne Xi Jinping.