Heemaal News Network

Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo is casilay

Xoghayihii joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa qoraal dheer uu soo saaray maanta oo Axad ku shaaciyay in uu iska casilay xilkii uu xukuumadda u yahay.

Qoraalka uu soo saaray Maxamed Abuukar Zubeyr ayuu ku sheegay in uu si iskiis ah u go’aansaday in uu xilka iska casilo, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga mahadceliyay shaqadan uu horey ugu igmaday waxbana kala soo shaqeeyay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta is-casilaad Zubeyr ay ku timid cadaadis kaga yimid xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana marar badan la sheegay in ay jireen isku dhacyo iyo khilaafaad u dhaxeeyay xoghyaha iyo madaxda ka sarreysay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiirka Maaliyadda Somaliya Oo Magaalada Paris ku Saxiixay Heshiis

Heemaaln

“Kolay Qabri-baa La wada Tagayaa Qolyaha Siyaasadow aad Ha la iskugu Tudho” Madaxweyne Biixi

Heemaaln

C/raxmaan Cabdishakuur & Mahdi Guuleed Oo Afka furtay,kana Horyimid Ansixinta Heshiisyo ay Dawlada

Heemaaln