Heemaal News Network

Xogo kasoo Baxay Wada-hadallada la filayo inay Ankara ku Yeeshaan Somaliya iyo Itoobiya

Wargeyska Middle East Eye, oo ka warramaya wada-hadallada Turkiga uu garwadeenka ka yahay ee la filayo inay Ankara ku yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya , ayaa soo bandhigay inay Soomaaliya usoo bandhigo karto Itoobiya helitaanka deked, si ay Addis Ababa uga baxdo heshiiska Addis Ababa.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in hindisaha wada-hadalka uu ka dhashay , markii uu Ankara u diray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed , madaxweynihii hore ee Itoobiya Mulatu Teshome Wirtu si uu ula kulmo Madaxweyne Erdogan bishii May, isagoo markaa usoo bandhigaya in la billaabo dhexdhexaadin Soomaaliya iyo Itoobiya ah, si xal loogu helo xiisadda labada dal, xilligaa oo la sheegay inuu Erdogan faray hay’adaha Turkiga ee ay khusayso arrintan inay daraasad ku sameeyaan, taa oo ay xigtay inuu Wasiirka Arrimaha dibadda , Hakan Fidan kula kulmo Ankara Madaxweynaha Soomaaliya inta lagu jiray munaasabadda Ciiddul-Adxa, si loo fududeeyo wada-hadallada saddex-geesoodka ah.

Wargeyska oo ilo-wareedyo xiganaya, waxaa kalo uu sheegay in haddii horumar laga gaaro wada-hadallada ay billaabayaan wasiirrada arrimaha dibadda labada dal, inay booqan karaan Ankara Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya , balse haddii ay dhacdo inay wada-hadallada burburaan , warbixinta waxay sheegtay; “Waxa laga yaabaa inay wiiqdo sharafta Turkiga ee gobolka waxayna dhaawacaysaa xiriirka adag ee Ankara iyo Itoobiya.”