Heemaal News Network

Xoogagga Axmaarada iyo kuwa Tigrayga Ee Itoobiya Oo Mar kale Dagaalamay.

Ciidamada ismaamulka Tigreega ee Itoobiya iyo kuwa gobolka Axmaarada ayaa ku dagaalamay xadka ay wadaagaan labada gobol, sida ay shalay baahisay idaacadda gaarka loo leeyahay ee Wazema.

Waa dhacdadii labaad oo muddo shan maalmood gudahood ah dhexmarta labada dhinac.

“Iska horimaad kooban oo hubaysan oo u dhexeeya ciidamada Tigreega iyo maleeshiyada Axmaarada ayaa ka dhacay degmada Zata Ofla ee deegaanka Raya duhurnimadii Arbacada [21 February], Wazema ayaa ogaatay,” ayaa lagu yidhi website-ka.

Iska hor imaadka oo socday ku dhawaad saacad ayaa la sheegay in uu joogsaday kadib markii ay soo kala dhex galeen ciidamada dowladda Federaalka.

17kii Febraayo, Gobolka Tigray ayaa beeniyay in ciidamadoodu ay weerar ka soo qaadeen aagga xadka, taas beddelkeeda waxay ku eedeeyeen maleeshiyada dariska ah ee Amxaarada in ay soo weerareen ciidamadooda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Mareykanka Oo War Adag kasoo Saaray Xad-gudubyo Waa-weyn Oo ay Geesaneyso Itoobiya

Heemaaln

Kenya Oo ku Hungowday Inay Wada-hadal-siiso Madaxda Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln

Taliyaha Ciidamada Itoobiya “Dhulka Somaliya 60% Ciidamadeena ayaa Gacanta ku Haya.”

Heemaaln