Heemaal News Network

Xosbullah Oo Shaacisay In Israa’iil Duqayn ku Dishay Taliyihii Ugu Sarreeyay

Xisbullah ayaa hadda soo saartay bayaan ay ku xaqiijinayso in Fuad Shakr lagu dilay duqeyntii Israa’iil ay shalay ka geysatay magaalada Beyruut.

Fu’aad ayaa ku sugnaa gudaha dhisme ku yaal Dahiyeh, ee Beirut, halkaas oo ay meydka taliyihii howlgelinta iyo mid ka mid ah saraakiisha ugu muhiimsan Xisbullah, Fouad Shukr in laga dhex helay burburka dhismayaasha ay shalay duqeysay Israa’iil ee ku yaalla koonfurta Beirut.

Israa’iil, waqti badan kuma qaadan inay xalay xaqiijiso geerida Fouad Shukr, iyadoo saacadihii hore ee maanta hadalkii u horreyay ee weerarkaa ay ka soo saartay Xisbullah ay ku xaqiijisay sarkaalkan inuu ku sugnaa dhismaha la duqeeyay ayna ka baadi goobayaan burburka dhismayaasha.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Israa’iil oo hadda la hadlay warfidiyeenka ayaan soo hadal qaadin dilka Ismaaciil Haniyah, balse waxa uu ku hanjabay in ay diyaar u yihiin xaalad kasta oo ka timaadda.