Heemaal News Network

Xukun lagu Riday Ninkii Dilay Marxuum Khalid Cali Khalid

Maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso ayaa xukun ka soo saartay kiiska dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse oo lagu dilay Boosaaso.

Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday eedaysane Maxamed Abshir Muuse Bootaan oo lagu helay dilka guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse.

Maxkamadda derejada kowaad ee Boosaaso ayaa sidoo kale 9 sanno oo xabsi ah ku xukuntay eedaysane Axmed Maxamuud Maxamed oo lagu helay in uu qeyb ka ahaa dilkii marxuum Khaalid Cali Khaalid, islamarkaana uu lahaa gaari Probox ah oo dilkaasi lagu fuliyay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale bari’yeeshay oo dembi ku weysay laba eedaysane oo maqanayaal ah laguna eedeeyay in ay ka qeyb qaateen dilkii guddoomiye Khaalid Cali Khaalid, kuwaasi oo magacyadooda lagu sheegay Mustafe Bad-maax iyo Afmaax.

Ehelada Marxuum Khaalid Cali Khaalid ayaana soo dhaweeyay xukunka lagu riday ninka gacankudhiiglaha ahaa ee dilka geestay, waxa ayna sheegeen in maanta heleen caddaalad ayna sugayaan in xukunka lagu fuliyo ninka dilka geestay.