Heemaal News Network

Xukuumada Somaliland Oo Xasuuq ku Tilmaantay Dagaalka Dacawaley Ee Maamulka Soomalida Itoobiya.

WAR-SAXAAFADEED.
Hargeysa-25-12-2024()- Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha JSL Mudane Cabdalle Maxamed Carab oo ka masuul ah amniga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hadlaya afka Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka Dawladnimo.

Dhinaca kale Ciidamada Liyuu Booliska ayaa Deegaanka Dacawalay ka afduubay Madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta Nabadda iyo daminta Colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taasoo ah gef iyo xadgudub cad.

Wasiirka Amniga Gudaha JSL waxaa uu si xoog leh u cambaaraynayaa falalka foosha xun ee ay Deegaanka Dacawalay ka geysteen Ciidmada Liyuu Booliska ee Deegaanka Maamulka Soomalida Itoobiya, kuwaasoo geystey Xasuuq baahsan, masuuliyadda ka dhalatana ay qaadi doonaan.

Madaxweynaha Maamuul Soomaalidda Itoobiya, ayaa Xukuumadda Jamhuuriyadda u caddeeyey sida uu uga xun yahay falalka foosha xun ee ka dhacay Deegaanka Dacawalay.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay la xidhiidhay Dawladda Federaalka Itoobiya oo xidhiidh Nabadgelyo iyo mid siyaasadeedba ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku wargelisay arrinta ka dhacday Deegaanka Dacawalay iyo dhibaatada ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliska, iyadoo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya maalinta beri ah wada hadal ku dhex mari doono Xadka labada Dawladood.