Heemaal News Network

Xuquuqul Insaanka Oo War kasoo Saaray Gacan ka Hadal ka dhacay Xabsiga Gaalkacayo

Xafiiska Xuquuqul-iinsaanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in gacan ka hadal ka dhacay xabsiga Gaalkacayo uu sababay dhimashada hal maxbuus iyo dhaaca todobo kale, isaga oo ku eedeeyey ciidanka Asluubta Puntland in ay si arxan-daran ula dhaqmeen maxaabiista.