Saddex gantaal oo nuuca balaastiga ah oo Xuutiyiinta kasoo tuureen gudaha dalka Yemen, ayaa lagu weeraray markabka Andromeda Star oo shidaal kasoo qaaday dekad kutaalla dalka Ruushka kuna sii jeeday dalka Hindia.
Taliska Dhaxe ee ciidamada Mareykanka ayaa xaqiijiyay in kooxda Xuutiyiinta gantaalo ay soo tuureen uu ku dhacay markabka Andromeda Star, waxa ayna Mareykanka sheegeen in markabka ay soo gaartay waxyeelo.
Warka kasoo baxay milatariga dalka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in gantaal oo Xuutiyiinta soo tuureen uu ku habsaday markab kale oo lagu magacaabo MV Maisha, balse aysan waxyeello kasoo gaarin gantaalka.
Afhayeenka Milliteriga ee Xuutiyiinta Yemen, Jeneral Yahya Al-Sariic ayaa shaaciyey inay dhowr gantaal la beegsadeen markabka Andromeda Star oo laga leeyahay dalka UK oo marayey Badda Cas