Heemaal News Network

Xuutiyiinta Oo Oggolaaday in Gurmad loo Fidiyo Markab Saliid Siday Oo ku Gubanaya Badda Ca

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa oggolaatay in gurmad loo fidiyo markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas ee MV Sounion , kaddib weerarkii ay Xuutiyiinta markabkaa la eegteen , arrintan ayaa la sheegay in looga danleeyahay in laga hortago masiibo deegaan oo ka dhalan karta markabkaa haddii saliidda uu sido ay ku wada daadato badda, howlgalka Qaramada Midoobay ee Iran ayaa warkan ku dhawaaqay.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa dhankiisa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka Sounion, kaddib markii dalal badan oo caalamka ah ay kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

Goobta u horreysa ee saameynta uu markabkan ku yeelanayo haddii ay daadato saliidda uu sido ayaa ah dhulka Yemen , taaso u muuqata inay tahay habka lagu qanciyay Xuutiyiinta si markabkan looga hortago inuu saliidda wadda daadiyo, hadda maraakiib iyo doonyo ayaa la filaya inay tagaan goobta uu ku suganyahay markabkan oo dabkii ka dhashay weerarka Xuutiyiinta uu wali ka shidanyahay qeybta sare ee markabka.