Heemaal News Network

Xuutiyiinta Yemen Oo Sheegay inay khasaare Gaarsiiyeen Markabka Diyaaradaha Xambaara Ee Maraykanka.

Kooxda Xuutiyiinta Yemen , ayaa sheegay inay khasaare gaarsiiyeen markabka diyaaradaha dagaalka xambaara Eisenhower ee Maraykanka , iyagoo gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn la beegsaday xilli uu ku sugnaa waqooyiga badda cas, sida u sheegay afhayeenka kooxda.

Dhinaca Mareykanka ma jirto warbixin ka soo baxday, xilli warbaahinta Mareykanka ay sheegtay markabka Eisenhower inuu u dhaqaaqay dhinaca xeebaha Lubnaan, si uu u taageerro howlgalka Israa’iil.