Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa ku dhawaaqay inay sii daayeen shaqaalihii markabka Galaxy Leader oo ay gacanta ku dhigeen 19 bishii November ee sannadkii 2023.
Sii deynta, 25 shaqaale ah oo la socotay markabka ayaa Xuutiyiinta , waxay ku sheegeen inay ku taageerrayaan xabbad-joojinta Qasa, iyadoo wada-xaajoodka lagu sii daayay shaqaalaha markabkan ay ka qeyb-qaateen dawladda Cumaan oo dalkeeda la geeyay shaqaalaha la sii daayay iyo ururka Xamaas, sida ay sheegtay warbaahinta Xuutiyiinta.