Heemaal News Network

Xuutiyinta Oo Gantaal Ballistic ah ku weeraray Markabka Dagaalka USS Laboon

Xuuthiyiinta ayaa gantaal ballistic ah ka soo riday Yemen, kaasoo lagu weeraray markabka dagaalka ee USS Laboon oo ku sugan Badda Cas, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka CENTCOM

Gantaalka ma uusan ku dhicin gantaalaha wax burburiya ee la hagayay, kaasoo lagu dejiyay Norfolk, Virginia, ayuu yiri taliska CENTCOM. Ma jiraan wax dhaawac ah ama khasaare ah oo la soo sheegay.

Ciidamada Mareykanka iyo markab isbaheysi ah ayaa sidoo kale burburiyay labo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo laga soo riday deegaanada Xuutiyiinta Yemen ay maamulaan, sida uu sheegay CENTCOM.

Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto ayaa tan iyo wax yar uun ka dib bilaabay dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas, waxa ay bartilmaansanayeen maraakiibta ku sugan badda cas iyo gacanka cadmeed, iyadoo kooxdan ay isku dayayeen inay ku cadaadiyaan Israel iyo xulafadeeda inay joojiyaan duulaanka ay ku hayaan Gaza.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Niger Oo ka Baxday Heshiis ay la Gashay Ciidanka Mareykanka Ee jooga Dalkaasi.

Heemaaln

Shiinaha Oo ka Digey Cawaaqib xumo ka Dhalan karta Haddii Mareykanku Tiktok xayiro

Heemaaln

Maraykanka Oo Meel-mariyay Sharci Dalka oo Dhan Looga Mamnuucayo TikTok

Heemaaln