Heemaal News Network

Yaa beddelaya Yaxye Sinwar Hogaamiyihii Xasaas Ee la Dilay Maanta?

Haddii ay Xamaas xaqiijiso dhimashada Yaxye Sinwar, markaa waa in laga hadlaa cidda beddelaysa hoggaamiyahan oo la wareegaysa madax xafiiska siyaasadda iyo qofka u dambeeya ee qaadanaya go’aamada ururka.

Waxaa jira labo magac oo la billaabay hadda in lag hadlo. Saraakiisha Mareykanka ayaa CNN Carabi u sheegay in walaalkii Sinwar oo lagu magacaabo Mohammed Sinwar laga yaabo inuu beddelo, waxayna ku si feeyeen mid aad u ad adag sida Yaxye, oo leh mowqif adag.

Magaca kale waa Khaliil Al-Hayya, oo hadda ah ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas oo ku sugan Qatar, wuxuuna hoggaamiya wada-xaajoodyada dhexdhexaadiyaasha.