Heemaal News Network

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Oo Booqday Askar Dagaallo kusoo Dhaawacmay (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka S/gaas Ibraahim Sheikh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka xoogga ku booqday askar ka tirsan milateriga iyo xoogagga deegaanka oo ku dhaawacmay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Askartan dhaawaca ah ee lagu daweenayo isbitaalka Xoogga ayaa kusoo dhaawacmay dagaallo ka dhacay deegaanno kala duwan, waxaana askartan xaaladooda caafimaad gacanta ku haya taliska ciidanka xoogga qeybtooda caafimaadka.

Taliyaha ayaa warbixin ka dhagaystay hoggaanka caafimaadka ciidanka XDS, maamulka isbitaalka iyo dhaqaatiirta xilli kasta u taagan caafimaad qabka ciidamada naftooda u hibeeyay Qaranka Soomaaliyeed ee furimaha dagaalka u jooga difaaca Shacabka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku amaanay ciidanka dhaawacan in ay gudanayeen waajib Qaran, waxa uuna u ballan-qaaday garab istaag iyo in ay si dhaw ula socon doonaan xaalada ciidanka dhaawacan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Madaxweynaha Jabuuti Oo Dhaliilay Heshiiska Is-afgaradka Ee Itoobiya iyo Somaliland

Heemaaln

Madaxwaye Xasan Sheekh Oo Caawa l Kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Heemaaln

Ugaas Cali Xaashi Oo kiisas Culus ku Eedeyey Boqor Buurmadow

Heemaal