Heemaal News Network

Madaxwaye Xasan Sheekh Oo Caawa l Kulmay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka,

xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya waxay soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Labada dhinac ayaa tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Somaliland, kaasoo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolkaā€¯ ayaa lagu yiri War saxaafadeedka Villa Somalia.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wefti Heer Federaal ah Oo Maanta Booqday Laascaanood.

Heemaaln

Danjirsaha Dawlada Kenya U soo Magacawday Somaliya Oo Warqadihii laga Gudomay(Sawirro)

Heemaaln

Dowlada Hoose Ee Laascaanood Oo Wadooyin Waaweyn Qasb ku Baneysay.

Heemaaln