Heemaal News Network

Mareykanka Oo Shaaciyey in Weerar Aargoosi ay Iran ku Qaadayso Israel.

Maraykanku waxa uu ku jiraa heegan sare waxana uu si firfircoon isugu diyaarinayaa weerar “muhiim ah” kaasoo iman kara isla toddobaadka soo socda gudahooda oo ay Iran ku bar-tilmaameedsato xarumaha Israa’iil ama Maraykanka ee gobolka si ay uga jawaabto weerarradii israa’iil ee Isniintii ka dhacay Dimishiq ee lagu dilay taliyeyaasha sare ee Iran, Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka ayaa u sheegay CNN.

Saraakiisha sarsare ee Maraykanka ayaa hadda aaminsan in weerarka Iran uu yahay “lama huraan” aan laga baaqsan karin.

Labada dawladood waxay ka shaqaynayaan sidii ay u heli lahaayeen mawqif ka hor waxa iman doona, maadaama ay filayaan in weerarka Iran uu ku dhici karo siyaabo kala duwan – iyo in hantida iyo shaqaalaha Maraykanka iyo Israa’iilba ay halis ugu jiraan in la bartilmaameedsado.

Weerar Iran ka soo socda ayaa ah mowduuca ugu weyn ee hadda hor yaalla labada dal marka laga yimaado dagaalka ka socda Israel

Weerar toos ah oo ay Iran ku qaado Israa’iil ayaa ah mid ka mid ah xaaladaha ugu xun ee maamulka Biden uu ku cabsi qabo, maadaama ay ay si degdeg ah uga sii darto xaalad qalalaase ee ka jirtay Bariga Dhexe.

Duqeymaha noocan oo kale ah ayaa u horseedi kara in dagaalka Israel iyo Xamaas uu isku bedelo ballaaran oo gobolka ah taasoo Biden uu muddo dheer doonayay inuu ka fogaado.

Jeneraalka ugu sarreeya Iran ayaa Sabtidii maanta ka qeyb galay aaska sarkaalka militariga Mohammed Reza Zahedi, isagoo wacad ku maray in Iran ay jawaab ka bixin doonto weerarki qunsuliyadda safaaradeeda Dimishiq ee lagu dilay lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka.

Iran ayaa dusha ka saartay masuuliyadda weerarka lagu qaaday Israa’iil, Maj. Gen. Mohammad Bagheri ayaa Sabtidii sheegay in “aanay iiraan ka aamusi doonin”, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.

Bagheri, oo ah taliyaha ugu sareeya militariga dalkaas, ayaa sheegay in Iran ay go’aan ka gaari doonto sida iyo goorta ay uga jawaabayso weerarka, sida lagu sheegay warbixinta Tasnim.

Wuxuu sidoo kale digniin u diray Mareykanka, isagoo sheegay in “mas’uuliyadda ugu weyn” ee weerarka Dimishiq ay saaran tahay Mareykanka.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Turkiga Oo Diiday Eedaymaha Loo Soo Jeediyey Ee In Wada Shaqayn Milatari Leeyiihin Yuhuuda

Heemaal

Niger Oo ka Baxday Heshiis ay la Gashay Ciidanka Mareykanka Ee jooga Dalkaasi.

Heemaaln

Ciidamada Israa’iil Oo Xarig iyo Jirdil kula kacay wariye ka tirsan Aljazeera

Heemaaln