Heemaal News Network

Niger Oo ka Baxday Heshiis ay la Gashay Ciidanka Mareykanka Ee jooga Dalkaasi.

Ciidamada talada la wareegay ee Niger ayaa si degdeg ah ulaalay heshiis militari oo u ogolaanaya shaqaalaha militariga iyo shaqaalaha rayidka ah waaxda difaaca ee Mareykanka inay joogaan dalkaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada milatariga Colonel Amadou Abdramane.

Go’aankan ayaa daba socda booqasho ay toddobaadkan saraakiil Maraykan ah ku tageen dalkaasi oo ay hoggaaminaysay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ee Afrika Molly Phee iyo Jeneraal Michael Langley oo ah taliyaha ciidamada Maraykanka ee Afrika.

Abdramane, oo u waramayay talefishin ku yaala galbeedka Afrika, ayaa sheegay in weftiga Maraykanku aanay raacin hab-maamuuska dublamaasiyadeed, isla markaana aan Niger laga war-gelin xubnaha wefdiga, taariikhda ay imanayaan iyo ajandaha laga hadlayo.

Waxa uu intaa ku daray in wada hadaladu ay ku saabsanaayeen isbedelka militari ee hadda ka socda Niger, iskaashiga milatari ee labada dal iyo doorashada Niger ee saaxiibada dagaalka ka dhanka ah xagjiriinta xiriirka la leh Al Qaacida iyo Daacish.

Sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in saraakiisha sarsare ee Maraykanku ay “wadahadal dhab ah” ku yeesheen Niamey horraantii toddobaadkan kuwaasoo ku saabsan mawqifka golaha milatariga ee talada Niger haya – oo loo yaqaan CNSP.

Tan iyo markii ay xukunka la wareegeen bishii July ee sannadkii hore, Junta-ga Niger, si la mid ah madaxdii militariga ee deriska la ah Mali iyo Burkina Faso, waxay eryeen Faransiiska iyo kuwa kale oo reer Yurub ah, waxayna u jeesteen Ruushka si ay u taageeraan.

“Niger waxa ay ka xuntahay ujeedada wafdiga Mareykanka ee ah in dadka Niger ee madax banaan ay u diidaan xaqa ay u leeyihiin in ay doortaan lamaanahooda iyo noocyada iskaashi ee awood u leh in ay si dhab ah uga caawiyaan la dagaalanka argagixisada,” ayuu yiri Abdramane.

“Sidoo kale, dawladda Niger waxay si xoog leh u cambaaraynaysaa hab-dhaqanka is-dhiibka ah ee ay weheliso hanjabaadda aargoosiga ee madaxa weftiga Maraykanka ee ku wajahan dawladda iyo dadka Niger,” ayuu raaciyay.

Ilaa 1,100 askari oo Maraykan ah ayaa ku sugnaa Niger sanadkii hore, halkaas oo millatariga Maraykanku ka hawlgalo laba saldhig, oo uu ku jiro saldhigga dayuuradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Air Base 201, oo laga dhisay Agadez ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.

Tan iyo sannadkii 2018-kii saldhiggan waxaa loo adeegsaday in lagu beegsado mintidiinta dowladda Islaamiga ah iyo Jamaacada Nusrat al-Islam wal Muslimeen, oo xiriir la leh Al Qaacidda, ee gobolka Saaxil.

Abdramane waxa uu sheegay in maqaamka iyo joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Niger ay tahay sharci-darro, laguna xad-gudbay xeerarka dastuuriga ah iyo dimuqraadiyadda, sababtoo ah.

Waxa uu sheegay in Niger aysan ka warqabin tirada shaqaalaha rayidka ah iyo militariga Mareykanka ee ku sugan dhulkeeda ama tirada qalabka la geeyay, sida uu dhigayo heshiiska,.

“Marka la eego dhammaan arrimaha kor ku xusan, dawladda Niger, waxay si degdeg ah u baabi’inaysaa heshiiskii ku saabsanaa xaaladda shaqaalaha militariga Mareykanka iyo shaqaalaha rayidka ah ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee dhulka Jamhuuriyadda Niger,” ayuu yiri Abdramane.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Pelosi Oo Ku Biirtay Baaqa Biden Inuu Joojiyo Hubka Mareykanka Uu Siiyo Israel

Heemaal

Dagaalka Gaza Oo Laga Cabsi Qabo inuu Galaafto Mustaqbalka Madaxweyne Biden

Heemaaln

Mareykanka Oo ka Hor-yimid Qorshaha Israel ku Weerarayso Degmada Rafah

Heemaaln