Heemaal News Network

Netanyahu Oo Sii Laalaay Wadahadalii Nabbadda Ee Maraykanku Waday

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil aysan ka bixi doonin Gaza ama aysan sii deyn doonin kumannaan Falastiiniyiin ah oo xiran, waana labo ka mid ah dalabaadka ugu muhiimsan ee Xamaas ay ku dalbatay wadahadallada xabbad joojinta aan tooska ahayn ee socda.

Intii lagu guda jiray dhacdo ka dhacday Daanta Galbeed ee la haysto, Netanyahu waxa uu mar kale wacad ku maray in aanu dagaalku dhammaanayn haddii aanay Israa’iil “guusha buuxda” ka helin Xamaas.

“Ma joojin doono dagaalkan anaga oo aan gaarin dhammaan yoolalkayaga,” ayuu yidhi. “Kama soo saarayno millatariga Israa’iil marinka Gaza, mana sii deyn doono kumannaan argagixiso.”

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaalada iyo Duqeymaha ka Socda Magaalada Gaza.(Sawirro)

Heemaaln

Maxkamadda Sare ICJ Oo soo Saartay Go’aankii Ugu Jilicsanaa Oo Lagu Amray Inay Fuliso Israel

Heemaal

Dagaalo Culus Oo Wali ka Socda Agagaarka Isbitaalka Al-Shifa & Xoogaga Xamaas oo..

Heemaaln