Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa xaqiijisay dhimashada qof rayid ah oo Maraykan ah oo ku dhintay Daanta Galbeed ee la haysto, waxaanay sheegtay inay dawladda Israa’iil ka codsatay xog dheeraad ah.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirnay qoyska,” afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u sheegay wakaaladda Anadolu. “Waxaan ka shaqeyneynaa inaan fahamno xaaladda shilka, waxaana ka codsannay dowladda Israa’iil macluumaad dheeraad ah.”
Afhayeenku wuxuu diiday inuu bixiyo macluumaad dheeri ah “iyaga oo ixtiraamaya qoyska wakhtigan adag.”