Heemaal News Network

Itoobiya: Golaha Amaanka Oo Dib Ugu Soo Ceshay IGAD Iyo AU Xadgudubka Heshiiska Badda

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u soo jeediyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay khilaafkooda xal ka gaaraan IGAD iyo AU, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Amb. Meles Alem Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Amb. Meles Alem ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in ay ku baaqdo shir madaxeed kale oo looga hadlayo heshiiskii marin-badeedka ee bishii hore ee ay ka carooday Muqdisho.

IGAD weli jawaab rasmi ah kama soo saarin codsiga Itoobiya.

Golaha Ammaanka waxay 29-kii bishii January qabteen shir ciwaankiisu ahaa ‘Nabadda iyo Amniga Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay shirkaas. Si kastaba ha ahaatee Goluhu wax faah faahin ah kama uusan bixin shirkaas.

Soomaaliya, oo cuskatay qodobka 35-aad ee Axdiga Qarammada Midoobay, ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka inay faragelinta Itoobiya wax ka qabtaan iyadoo sheegtay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu ku xad-gudbaynayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles, wuxuu si cad u sheegay mowqifka Itoobiya intii lagu jiray shirkii golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mawqifka Itoobiya waa in dadaalkeeda ku aaddan gelitaanka badda ay horseed u yihiin arrimo dhaqaale. Waxay kaloo ku saabsan tahay is-dhexgalka gobolka iyo sidoo kale arrin nabadeed iyo amni. Tani waa ajandaha cad ee ay Itoobiya ku celisay shirkii Golaha Ammaanka.

ayuu yidhi Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibbada Itoobiya Meles.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xildhibaan si Adag Uga Hadlay Dad Diidan Heshiiska Itoobiyaa Oo Somaliland ka soo Xirtay Lughaya

Heemaaln

Somaliya Oo ku Eedeysay Itoobiya Marin Habaabinta Xadgudubka ay ku Hayso Dhulka Somaliyeed

Heemaaln

“Cagjar iyo Musow ku Tusaale Qaata Cabdi Iley Oo Axmaaro Ugu Jaclaa Meesha Uu ku Danbeeyay..”

Heemaal