Heemaal News Network

16 Xildhibaan Faransiisa Oo Booqday Rafah, Dalbadayna Xabad Joojin Degdeg Ah

Wafdi ka kooban 16 xildhibaan oo ka tirsan mucaaradka Faransiiska ayaa dalbaday xabad joojin degdeg ah oo joogto ah oo laga sameeyo Gaza xilli ay booqasho ku joogeen Masar.

Wafdiga oo ay ku jiraan xubno ka socda xisbiga bidix ee La France Insoumise LFI, ama France Unbowed Party ayaa booqanaya Masar iyo xuduudka Rafah.

Waxaa ka mid ahaa xubno ka tirsan xisbiga France Unbowed, sida Eric Coquerel iyo Thomas Portes, kuwaas oo wadahadalo la yeeshay safiirka Faransiiska u fadhiya Qaahira, Eric Chevalier, intii ay ku guda jireen booqashada taasoo qayb ka ah howlgalka loogu ololeynayo xabbad-joojin degdeg ah oo waarta.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Lama Araga Muddo 31 Casho Ah Taliyihii Guud Ee Ciidanka Ruushka

Heemaal

Weerar Lagu Qaaday Guri kuyaalla Duleedka Nairobi Oo Lagu soo Xiray Saraakiil Kenyan ah oo…

Heemaaln

Boqor Charles-ka Ingiriiska Oo Xanuunka Kansar Laga Helay.

Heemaaln