Heemaal News Network

Lama Araga Muddo 31 Casho Ah Taliyihii Guud Ee Ciidanka Ruushka

Maalintii isniinta, dhab ahaan hal bil ayaa laga joogaa markii ugu dambeysay taliyaha ciidamada Ruushka ee Ukraine uu ka soo muuqday fagaare. Waxaa la isla dhexmarayaa in lagu dilay weerar ka dhan ah Crimea oo la haysto.

Valerij Gerasimov (68 jir) waa madaxa guud ee difaaca Ruushka, waana taliyaha ugu sareeya militariga Ruushka.

Diseembar 29, Komsomolskaya Pravda iyo warbaahinta kale ee Ruushka ayaa sheegay in Gerasimov uu billado sharaf guddoonsiiyay askartii ka qayb qaadatay dagaalladii magaalada Marinka ee gobolka Donetsk.

Muddo dheer ayaa la isla dhex marayay in Gerasimov laga yaabo in lagu dilay weerar gantaal oo Yukreeniyiintu ku weerareen taliska Ruushka ee gacanka Crimea 4tii Janaayo.

Mas’uuliyiinta Ruushka kama aysan hadlin wararka la isla dhexmarayo.

Sidoo kale ma jiro wax la taaban karo, ama war lagu kalsoonaan karo oo ka soo baxay dhinaca Kyiv.

Visegrad 24 ayaa qoray in 23 askari oo Ruush ah lagu dilay weerarkii saldhigga Saky ee Crimea 4-tii Janaayo. Shan ka mid ah ayaa la sheegay inay ahaayeen saraakiil darajo sare leh.
Dhowr warbaahinood ayaa isla dhexmarayay in Gerasimov uu ku sugnaa saldhiga milatari ee Ruushka maalintaas. Balse ma jirto cid caddaymo la timid.

Maalmo badan ayaa la soo dhaafay iyada oo Gerasimov uusan ka soo muuqan fagaarayaasha. Sabtidii, St. Petersburg waxaa ka dhacay xus lagu xusayo 80-guuradii ka soo wareegtay markii Nazi-ga Jarmalku uu go’doomiyay Leningrad. Vladimir Putin ayaa joogay halkaas, laakiin Gerasimov ma joogin, tani oo shaki wayn dhalisay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Xuutiyiinta Yemen Oo Gantaal ku Weerartay Markabka Dagaalka USS Greeley

Heemaaln

Itoobiya Oo Shir Caalamiya ka Difaacay Heshiiska ay la Galeen Somaliland

Heemaal

Mareykanka iyo UK Oo Puntland ka Taageeraya la Dagaalka Argagaxisada iyo Burcad-badeedka

Heemaaln