Heemaal News Network

Xuutiyiinta Yemen Oo Gantaal ku Weerartay Markabka Dagaalka USS Greeley

Afhayeen u hadlay kooxda Ansarullah ee Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay Badda Cas ku weerareen Markabka dagaalka USS Greeley ee ay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Qoraal ay soo saareen maanta oo Arbaco ah ayey ku xaqiijiyeen in dhammaan maraakiibta dagaalka Mareykanka iyo kuwa Britain ee ku sugan Badda Cas iyo Badda Carbeed ay beegsanayaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in weli ay sii wadayaan weerarka maraakiibta Israel iyo kuwa ku socdo dakadahooda ilaa inta dagaalka Gaza la joojinayo lagana qaadayo xayiraadda.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in Markab ay leeyihiin uu shalay soo riday gantaal laga soo tuuray Yemen. Taliska dhexe ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen Xuutiyiinta.

Waxay sheegeen in cidna aysan wax ku noqon, waxyeelana uusan geysan gantaalkan oo ku soo aaday xili Maraakiibta ganacsiga ee Shirkadaha caalamiga ah ay joojiyeen isticmaalka badda Cas.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Warbixinta Qaramada Midoobay Oo Dalbatay In Danbiilayaasha Lagula Xisaabtamo Xadgudubyada Ka Dhacay Falastiin Iyo Israa’iil

Heemaal

Iran Oo Fulisay Amarakii Maraykanka Oo Joojisay Weeraradii Maraykanka Kaga Socday Ciraaq

Heemaal

Nin Qirtay In Musharrax Guuldarraystay Uu Lacag ku Siiyay Toogashada Xubnaha Dimuqraadiga.

Heemaaln