Heemaal News Network

Nin Qirtay In Musharrax Guuldarraystay Uu Lacag ku Siiyay Toogashada Xubnaha Dimuqraadiga.

Nin ku sugan gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka ayaa qirtay dambiga ah in uu gacan ku siiyay musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee laga guuleystay, in uu rasaas ku furo guryaha xubnaha xisbiga dimuqraadiga.

Eedeysanaha, Demetrio Trujillo, ayaa sheegay in musharraxa, Solomon Peña, uu shaqaaleysiiyay ka dib markii uu ku guul darreystay inuu ku guuleysto xubinnimada baarlamaanka gobolka bishii Noofambar ee sannadkii 2022.

Toddobadyadii xigay, guryaha dhowr sarkaal oo Dimuqraadi ah ayaa lagu weeraray Albuquerque.

Mr Peña ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago bisha June.

Arrintan ayaa timid iyadoo laga cabsi qabo in ay sare u kacaan rabshadaha siyaasadeed ee ka socda Mareykanka.

Trujillo, oo 42 jir ah, ayaa la xiray bishii hore iyada oo lala xiriirinayo toogashadii Albuquerque ee dabayaaqadii 2022 iyo horraantii 2023-kii.

Heshiis qirasho ah oo uu la galay xeer-ilaalinta federaalka, wuxuu qirtay shan eedeymo, oo ay ku jiraan shirqool, faragelin doorashada iyo adeegsiga hub.

Bayaan ay soo saareen, dacwad oogayaasha federaalku waxay ku sheegeen in bishii Diseembar 2022, Mr Peña uu bixiyay Trujillo si uu ugu toogto guryaha saddex musharrax oo hore u ahaa doorashada si uu u cabsi geliyo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Norwey Oo Si Adag Maxakamaca ICJ Uga Sheegtay Gumaysiga Israel Ku Hayso falastiin

Heemaal

Mareykanka Oo Dhaleeceeyey Weerarkii Lagu Laayey Saraakiisha Imaaraadka

Heemaaln

Daawo Ukrain Oo Soo Bandhigtay Nin Soomali Ah Oo Ay Ku Qabatay Dagaalka

Heemaal