Heemaal News Network

Norwey Oo Si Adag Maxakamaca ICJ Uga Sheegtay Gumaysiga Israel Ku Hayso falastiin

Degsiimooyinka Israel ee Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Qudus “waxay caqabad weyn ku yihiin rajo kasta oo nabadeed, sida ay sheegeen ergada Norway ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ).

” Guryaha oo laga raro, dumin, barakicin xoog leh iyo xad-gudubyo ka dhan ah dadka reer falastiin waa dhinacyo ka mid ah gumeysiga Israa’iil,” ayuu yiri agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibadda Norway, Kristian Jervell, intii lagu guda jiray dhageysi dadweyne oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Israel ee Falastiin.

Waxa uu sheegay in ay ka soo horjeedaan “xuquuqda aadanaha aasaasiga ah, sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, iyo xaqa ay u leeyihiin in ay aaya ka tashadaan dadka reer falastiin” ayna wiiqayaan aragtida ah in la helo xal laba dawladood ah.

Degsiimooyinka Israa’iil ee dhulka la haysto ee Falastiin waa wareejin wax ka beddelaysa tirada dadka, ayuu yidhi Jervell.

“Dhismaha deegaamaynta dhulka la haysto ee Falastiin waxa ay ka dhigan tahay in tobanaan sano oo qaybo ka mid ah dhulka dadka rayadka ah laga qabsanayo la dajiyo yuhuud cusub, taas oo jabinaysa qodobka 49/6 ee Axdiga 4aad ee Geneva,” ayuu yidhi.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Gudomiyaha Midowga Culimada Islaamka.(Sawiro)

Heemaaln

Israel iyo Xamaas Oo Qarka u Saaran Heshiis Xabad joojin ah & Wararkii u Dambeeyey

Heemaaln

Dawlada Imaaraadka Carabta Oo ka Hadashay Saraakiil Looga Dilay Muqdisho.

Heemaaln