Heemaal News Network

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Oo Qaabilay Gudomiyaha Midowga Culimada Islaamka.(Sawiro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan BJFS ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Dr. Ali Muhidin Al-Qardai oo ah Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka, waxaana kulanka ku weheliyay Agaasimaha Xafiiska Hay’adda Qatar Al Kheyriyah ee Soomaaliya Mudane Cabdifataax Aadan Macalin iyo Shuceyb Cabdiladiif oo ah Guddoomiyaha Hay’adda Zamzam ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Midowga Culimadda Islaamka, oo ka mahadceliyay soo dhoweynta loogu sameeyay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan gargaarka lagu garab istaagaayo Shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana la sii xoojin doono waxqabadka hay’adaha kala duwan ee Islaamka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo boggaadiyay mashaariicda badan ee laga fuliyay Soomaaliya ayaa soo dhoweeyey booqashada Dr. Ali Muhidin Al-Qardai, waxaana uu kula dardaaramay in ay sii laba jibaaraan dar dargelinta mashaariicda horumarineed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed wax loogu qabanaayo.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Faah Faahin ka Bixiyey wixii Addis Ababa ka Dhacay Maanta.

Heemaaln

Warbaahinta Madaxa-banaan Oo ka Hortimid Xubnihii loo Magcaaby Golaha Warbaahinta Qaranka

Heemaaln

Madaxweyne Xasan Oo Khudbad Xasaasi ah ka Jeediyay Shir ka Furmay Nairobi.(Sawirro)

Heemaaln