Heemaal News Network

Israel iyo Xamaas Oo Qarka u Saaran Heshiis Xabad joojin ah & Wararkii u Dambeeyey

Sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Maraykanka ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay habka loo dhigay heshiis xabbad-joojineed oo ku saabsan dagaalka Qaza, oo ay ku jiraan in la sii daayo maxaabiista laga haysto Israa’iil.

Sarkaalkan Maraykanka ah oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa weriyayaasha u sheegay in haatan ay kubbaddu taallo dhinaca Xamaas, isaga oo intaas ku daray in Maraykanku ay si adag, dabada uga riixayaan inuu dhaqangalo.

Haddii ay Xamaas ku qanacdo heshiiskan cusub, wuxuu dhigayaa in muddo lix toddobad ah la joojiyo dagaalka, isla markaaana la sii daayo maxaabiista nugul. sidoo kale waxaa heshiiskan cusubi uu dhigayaa in kooxaha gargaarka bini’aadanimo loo ogolaado inay galaan marinka Qaza.

Wadahadalada ayaa maalinta Axadda ah ka sii soconaya dalka Masar, iyada oo ergo dhexdhexaadiyayaal ah oo ka kala socda Qatar iyo Masar ay filayaan inay helaan jawaabta Xamaas ee heshiiskan cusub.

Ilo ku dhowdhow Masar iyo Xamaas ayaa tibaaxaya in Xamaas aanay ku niyadsamayn heshiis xabbad-joojineed oo ku meel gaadh ah, hase ahaatee ay doonayso, heshiis si rasmi ah loogu soo afjaro dagaalka

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Dayaaradaha Dagaalka Israiil Oo Dimishiq Ku Dilay 5 Sarkaal Oo Iiraaniyiin Ah

Heemaal

Ruushka: Midnimo La’aanta Falasdiinyiinta Ayaa Ugu Wacan In La Xasuuqo Dhulkoogana La Boobo

Heemaal

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dadaalada Xabad joojinta Looga Hirgelinayo Dagaalka Gaza

Heemaaln