Heemaal News Network

Masar Oo Go’aansatay In Ay Safiirkeega Kala Soo Baxdo Israel

Masar ayaa si dhab ah u qaadanaysa suurtagalnimada in ay safiirkeeda kala baxdo Israa’iil, taas oo ka dhalatay xiisadda sii xumaanaysa ee u dhaxaysa labada waddan ee colaadda marinka Qaza iyo hanjabaadda Israa’iil ee ah in ay maamusho marinka xadka Salaax Al-Diin.

Wargeyska Wall Street Journal ee ka soo baxa dalka Maraykanka ayaa Sabtidii sheegay in mas’uuliyiinta Masar ay u gudbiyeen Israa’iil digniino la xidhiidha Axdiga Salax al-Diin, iyagoo ka dalbanaya in aanay faragelin, isla markaana weerar kastaa aanu sababin mowjado barakicin ah oo Falastiiniyiin ah.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in Qaahira ay bilowday inay si dhab ah uga fakarto suurtagalnimada inay safiirkeeda kala soo baxdo Tel Aviv, iyadoo Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi uu diiday isku dayo uu ku doonayay inuu la xiriiro Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Wargeysku waxa uu tilmaamay in madaxda Masar ay weli taageersan yihiin Falastiiniyiinta, isla markaana ay ku nuuxnuuxsanayaan inay xaq u leeyihiin inay dhistaan ​​dawlad madax-bannaan, halka Masar ay weli ka digayso isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu barakiciyo Falastiiniyiinta.

Kala duwanaanshiyaha labada dal waxaa sii xumeeyay eedeymaha Israel ee Masar ee ah inay fududeysay in hub lagu soo geliyo Qaza, isla markaana ay hor istaagto soo gelitaanka mucaawinada Marinka. Ilaha Israel ayaa sheegay in la isku dayay in ay wada hadlaan Netanyahu iyo Sisi, balse waa la diiday.

Dhankeeda, Masar ayaa ka jawaabtay eedeymaha Israa’iil ee ah inay hub si sharci darro ah ku soo galisay Gaza, iyadoo la sii marinayo godad dhulka hoostiisa mara, waxayna ku nuuxnuuxsatay inay ixtiraamayso waajibaadkeeda caalamiga ah, isla markaana ay diidayso wax kasta oo khatar ku ah madax-bannaanideeda iyo ammaankeeda.

Masar waxa ay carabka ku adkeysay in dhaq-dhaqaaq kasta oo Israa’iil ah oo ku wajahan marinka Salax al-Diin loo qaadan doono khad cas, waxa ayna sheegtay in ay qaadi doonto tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u ilaaliso madax banaanideeda iyo xuduudaheeda.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Sergey Lavrov: Dagaalka Ukrain Waa Ganacsi Lagu Dhaco Canshuur Bixiyaayssha reer Galbeedka

Heemaal

Xubin ka Tirsan Al-Shabaab Oo loo Ogolaaday inuu Mareykanka ku Noolaado Hal sano

Heemaaln

Israel Oo Weerarkii Ugu Dhimashada Badnaa ka Geysatay Koonfurta Lubnaan.(Sawirro)

Heemaaln