Heemaal News Network

Labbo Nin Oo Dad Ku Laayey Kaniisad Talyaani Leeyahay Oo Ku Taala Turkiga

Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga, Ali Yerlikaya, ayaa ku dhawaaqay in rag hubeysan ay fuliyeen weerarka subaxnimadii Axadda, kaasoo lala beegsaday Kaniisadda Katooliga ee Talyaaniga “Santa Maria” oo ku taal degmada Sariyeer ee Istanbul, waxa uu sheegay in weerarka ay fuliyeen labo nin oo wejiyada soo duubtay, ayna ku dileen qof.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in ciidamada amaanka ay wadaan dadaalo lagu soo qabanayo kooxihii falkaasi geystay, waxaana falkan kadib la soo dhoobay agagaarka kaniisadaciidan. Kooxo booliis ah ayaa sidoo kale loo diray goobta uu shilku ka dhacay si ay u xoojiyaan tallaabooyinka amniga iyo baaritaanka shilka.

Kaamirooyinka ammaanka ayaa la socday dhaq-dhaqaaqyada kooxihii ka dambeeyay weerarkii hubeysan ee lagu qaaday Kaniisada Santa Maria Talyaaniga ee ku taalla gobolka Istanbul, xilli ay ku guda jireen cibaado diimeed maalintii Axadda, kaasoo sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca mid kale.

Dhacdadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo ammaanka dalka Turkiga, iyadoo dalkaasi ay ka dhaceen weeraro argagixiso oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Gantaalo Ku Weeraray Dalka Yaman

Heemaal

Madaxweynaha Erateriya Oo Lagu soo Dhaweyay Madaxtooyada Masar.(Sawiro)

Heemaaln

Dhaqaatiir ajaanib ah Oo ay Afduub-naa Alshabaab Oo Geeriyooday

Heemaaln