Heemaal News Network

Turkiga Oo Fashiliyey Weerar Argagixiso Oo lagu Qaaday Maxakamada Istanbul, Iyo Khasaaro

Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay in ay fashiliyeen waxa ay ugu yeereen weerar argagixiso oo lagu qaaday maxkamad ku taalla magaalada Istanbuul, halkaasi oo ay ku toogteen labo qof oo weerarka soo qaaday.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dadka la dilay oo nin iyo haweenay ah ay ka tirsanaayeen kooxda la mamnuucay oo bidixda fog ee Xisbiga Kacaanka.

Wuxuu intaas ku daray in lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen — saddex qof oo rayid ah iyo saddex askari oo booliis ah.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalka weerarkan oo ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda Caglayan, oo la sheegay in ay duubeen kamarooyinka ammaanku.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Macalin wax ka Dhiga Jaamacad Oo Toogtay Mid ka mid Ardaydiisa (Sawirro)

Heemaaln

Milateriga Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey iney Xasuuq Cusub ka Geysteen Gobolka..

Heemaaln

M/Xasan Oo khudbad Uu ka jeediyey Shirka M/Afrika si Adag Uga Hadlay Damaca Itoobiya

Heemaaln