Heemaal News Network

Milateriga Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey iney Xasuuq Cusub ka Geysteen Gobolka..

Ciidamada ammaanka dowladda Itoobiya ayaa 45 qof oo rayid ah ku dilay “xasuuq” ka dhacay gobolka Amxaara, dabayaaqadii Janaayo, waxaa sidaas maanta sheegay Guddiga Madaxa-banaan ee Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHCR) ee dowladda ku xiran.

Bayaan kasoo baxay ayaa lagu sheegay in EHCR uu xaqiijiyey “haybta ugu yaraan 45 qof oo rayid ah ah oo ay si sharci-darro ah u dileen ciidamada ammaanka dowladda, sababo la xiriira in lagu tuhmayo ‘inay taageereen Fano’,” oo ah maleeshiyada qowmiyadda Amxaarada.

“Si kastaba, waxaa loo qaadan karaa in tirada dhibanayaasha ay xitaa intaas ka badan tahay,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dilalkan oo ka dhacay magaalada Merawi ayaa daba socda bilooyin ay isku dhacyo dhex-marayeen ciidamada militariga iyo Fano, oo ah maleeshiyo sheegtay inay ku jirto “difaac nafsi ah.”

Dagaalka ayaa ku qasbay dowladda inay xaalad deg deg ah soo rogto bishii August, taasi oo ay xildhibaanada ku kordhiyeen afar bil oo kale bishan.

Dowladda Mareykanka ayaa toddobaadkii tegay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay warbixinada ku saabsan “dilal shacab oo beegsi ah” oo ka dhacay Merawi, waxayna ku baaqday baaritaan madax-banaan.

Rabshadaha Amxaarada ayaa dib u soo celiyay walaaca laga qabo xasilloonida Itoobiya bilo kadib markii heshiis nabadeed la saxiixay November 2022, si loo soo afjaro colaad laba sano ka socotay gobolka dariska la ah ee Tigray.

Ciidamada gobolka Amxaarada ayaa ka barbar dagaalamay ciidamada federaalka ee la dagaalamay Tigrayga balse xiriirku waxa uu xumaaday bishii April ee sanadkii hore markii xukuumada Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed ay go’aansatay in ay burburiso ciidamada sida militariga u tababaran ee dalka oo dhan.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Itoobiya Xukun Xabsiga ah ku Riday 41 Al-Shabaab-kii Sanad ka Hor Weeraray DDS.

Heemaaln

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dadaalada Xabad joojinta Looga Hirgelinayo Dagaalka Gaza

Heemaaln

Maraykanka Iyo Ingiriiska Oo Duqeeyey 36 Goobood Oo Ku Yaala Yaman

Heemaal