Heemaal News Network

Macalin wax ka Dhiga Jaamacad Oo Toogtay Mid ka mid Ardaydiisa (Sawirro)

Macallin dhigayey Jaamacad laga barto caafimaadka oo ku taal dalka Bangladesh ayaa la xiray, maalmo ka dib markii uu xabad ku dhuftay arday imtixaan u fadhiyey.

Dhacdadan oo ka dhacday magaalada Sirajganj ee waqooyiga galbeed ee Bangladesh ayaa aad loola anfariirey markii la ogaadey in booliska ay ku qaadatay labo maalmood in ay xiraan ninka falka geystey.

Raihan Sharif ayaa la xiray, dabeedna shaqada laga joojiyey markii ardaydii jaamacaddu ay ku dhaqaaqeen mudaharaad looga soo horjeedo weerarka lagu dhawacay saaxiibkood.

Macluumaad dheeri ah lagama hayo sababta ka dambeysey dhacdan iyadoo ardayga dhaawacana uu isbitaal jiifo, macalinkana uu xabsi ku jiri

Warbaahinta gudaha ayaa magaca dhibbanaha ku sheegtay Arafat Amiin Tomal oo 23 jir ah, kaasoo hadda ka soo kabanaya dhaawac ka so gaarey jilibka.

Macallin Shariif ayaa wuxuu qori la soo galay fasal ay fadhiyeen 45 arday, ka dibna wuxuu xabad ku ridey ardayga dhaawacmay. Nasiib wanaag qaar ardayda ka mid ah ayaa macallinka isku duubay oo qol ku soo xiray, ka hor intii aan booliska loo yeerin.

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maryakanka Oo Hubkii Ugu Badnaa U Diraya Israel Iyo Dayaaradaha “F-35, F15 Iyo Apache

Heemaal

Diblumaasi Mareykan ah Oo Qirtay in 40-sanno Basaas u ahaa Dal Mareykanka Cadaw ku ahaa

Heemaaln

Milateriga Itoobiya Oo Lagu Eedeeyey iney Xasuuq Cusub ka Geysteen Gobolka..

Heemaaln