Heemaal News Network

David Cameron Oo Sheegay in Xulafada Israel Uu Dulqaadkii Haatan ka sii Dhamaanayo

Waxaa Arbacadi shalay sii xoogeystay dadaalka loogu jiro sidii Marinka Gaza loo gelin lahaa gargaarka bani’aadannimo ee sida aadka ah ay ugu baahanyihiin dadka gaajada darteed u go’i rabo ee reer Gaza.

Midowga Yurub ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku saarayo Israil in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka bani’aadannimo. Dalalka reer Yurub ayaa isku dayaya in ay abuuraan dariiq sii maraya badda oo kasoo billaabanaya Qubrus kuna dhammaanaya Gaza, kaas oo lasoo marin doono gargaar bani’aadannimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Cameron ayaa isna Arbacadi sheegay, in xulufada Isra’il ay sii luminayaan dul-qaadka.

Koofur Africa oo horay Isra’il uga dacweysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda kuna eedeysay xasuuq ka dhan ah dadka Gaza, ayaa Arbacadi ka codsatay Maxkamaddaasi in ku amarto Israil in Gaza la geliyo gargaar bani’aadannimo si looga hortago macluul iyo gaajo.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ugu yaraan 576,000 oo qof oo ku nool Gaza, oo ah rubuc ka mid ah dadka ku nool Marinka Gaza ay qarka u saaran yihiin macluul.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Imaardka Oo La Saftay Itoobiya Iyo Sacuudiga Oo La Saftay Soomaaliya Hubna U Soo Diraya

Heemaal

Wadahadaladii Xabad joojinta Gaza Ee ka Socday Qaahira oo Guul-daro ku Dhamaaday

Heemaaln

Madaxweynaha Faransiiska Oo Dalbaday in Falastiin loo Aqoonsado Dowlad

Heemaaln