Heemaal News Network

Itoobiya Oo Shir Caalamiya ka Difaacay Heshiiska ay la Galeen Somaliland

Kuxigeenka Safiirka Itoobiya u qaabilsan Qarammada midoobay, Samuel Isa, oo ka qaybgalay shir ay Magaalada Kampala ku yeesheen dalalka G77 iyo Shiinaha, ayaa ka hadlay ahmiyadda iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya ay dhawaan is-fahamka ka gaadheen.

Danjire Samuel Isa wuxuu sheegay in heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya uu waafaqsan yahay xeerarka caaalamiga ah ee kastamada iyo shuruucda badda.

“Heshiiskani wuxuu si cad u jidaynayaa oo loogu talo galay inuu wax ka taro arrimaha ganacsiga si ay uga faa’iidaystaan muwaadiniinta Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yidhi diblomaasigaasi.

Samuel Isa waxa kaloo uu intaas ku daray “Waxa isfahamkan loo maray qaab nabadgelyo ah oo ku sallaysan wadahadal iyo iskaashi wadajir ah oo dhinac waliba guulaystay, kaasi oo kor loogu qaadayo nabada iyo barwaaqada gobolka Geeska Afrika.”

Heshiiska is faham ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhigaya in Jamhuuruyadda Somaliland Itoobiya ka kirayso 20km oo ay ka dhigtaan saldhig millatari oo badda ah, iyadoo Itoobiyana ay noqon doonta dalka u horreeya ee aqoonsada Qarannimada Somaliland ee 33ka sannadood u halgamaysay inay caalamka ka hesho ictiraaf caalamiya.

Qore: Cumar Maxamed Faarax

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Imaardka Oo La Saftay Itoobiya Iyo Sacuudiga Oo La Saftay Soomaaliya Hubna U Soo Diraya

Heemaal

Norwey Oo Si Adag Maxakamaca ICJ Uga Sheegtay Gumaysiga Israel Ku Hayso falastiin

Heemaal

Sisi: Yaan La Tijaabin Awooda Masar, Ma Aqbalayno Handadaada Lagu Hayo Soomaliya

Heemaal